Warar 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo furay shirka Guddiga Farsamada ee qaban-qaabada shirka wada-tashiga Qaran

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa furay shirka Guddiga Farsamada ee qaban-qaabada shirka wada-tashiga Qaran.

Kulankii ugu horreeyay ee Guddiga ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo, waxaana wajiga hore ee kulanka lagu lafa-guray caqabadaha iyo hanaanka suurta-galka ah ee kulan weynaha.

Ra’iisul Wasaaraha oo aadalada Zoomka uga qeyb galay shirka ayaa guddiga kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo ah u gutaan shaqada loo igmaday.

Guddigan oo ka kala socda Dowlada Federalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa laga filayaa in ay keenaan xalka khilaafka hareeyey shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Dhuusamareeb kaasoo ay ku heshiin waayeen Dowlada Federalka iyo Maamul Goboleedyada dalka.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira