Warar 

Waxaa la shaaciyay qodobadii ilaa iyo hadda looga hadlay shirka Guddiga Farsamada ee ka socda Baydhabo

Wasiirka wasaaradda Dastuurka xukuumadda FS mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ah shir-guddoonka kulanka guddiga farsamo ee ka kala socda dawladda Federaalka, dawlad-gobolleedyada iyo gobolka Banaadir, ayaa xusay shirkii furay gelinkii dambe ee shalay in looga wadda-hadlay arrimaha la isku khilaafsanyahay ee la xiriira doorashada, sida xaaladda gobolka Gedo, arrinta gudiga doorashada iyo qaabka loo maamulayo doorashada xubnaha Baarlamaanka ee ka soo galaya deegaananda Somaliland.

Shirka oo maalintii labaad ka socda magaalada Baydhabo ayaa laga filayaa in ay kasoo baxaan xalka khilaafka hareeyey shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, kaasoo ay ku heshiin waayeen Dowlada Federalka iyo Maamul Goboleedyada dalka.

Wasiir Saalax ayaa xusay in Ra’iisal wasaaraha xukuumadda FS mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xubnaha gudiga kula hadlay aaladda fogaan aragga uu ku baraarujiyey inay hortaal hawl muhiim u ah dalka oo dhan, sidaa darteed ay u shaqeeyaan si mas’uuliyad iyo tanaasul leh.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira