Warar 

Cabdi Xaashi “Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa dedaal adag ayey u galeen in aan laga hadlin arrinta doorashada xildhibaannada Somaliland

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi, oo maanta soo saaray war-saxaafadeed ayaa sheegay in aan wax tixgelin ah la siinin dadka reer waqooyi ee Somaliland ee midnimada u taagan, mana jirto cid ku metesha dhammaan shirarkii looga hadlayey masiirka dalka iyo doorashooyinka.

Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa ayuu ku eedeeyay in ay dedaal adag u galeen in aan laga hadlin arrinta doorashada xildhibaannada gobolada waqooyi ee Somaliland.

Halkan ka akhriso:

Warar kale oo la xiriira