Baarlamaanka 

Guddiga dhaqaalaha Baarlamaanka Puntland oo kulan ka yeeshay cabasho ka soo gaartay Guddiga shirkadaha diyaaradaha

Guddiga dhaqaalaha iyo xisaabaadka Golaha Wakiilladda ayaa kulan wada-jir ah la qaatay Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Duulista Hawada & Garoomada iyo Guddiga Shirkadaha diyaaradaha.

Kulankaan ayaa ujeedadiisa aheyd cabsho ay Golaha soo gaarsiiyeen Guddiga Shirkadaha diyaaradaha Puntland taasi oo la xiriirtay lacago dheeraad ah oo lagu qaado Garoomadda Puntland.

Wasaaradaha iyo Guddiga Shirkadaha Diyaaradaha waxay Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL uga warbixiyeen xaaladda garoomada, lacagaha laga qaado diyaaraha iyo caqabaha jira ee ku aadan inay culays ku yihiin shacabka iyo guud diyaaradaha.

Intaa ka dib, Guddiga Xisaabaadka iyo Dhaqaalaha ayaa su’aalo ka weydiiyey warbixinta ay soo jeediyeen wasaaradaha iyo Guddiga shirkadaha Diyaaradaha si uu uga bixiyaan faah-faahino dheerada arrimaha keenay cabashada xilligan.

Guddiga Xisaabaadka iyo Dhaqaalaha Golaha Wakiillada DPL iyo Wasaaradaha ayaa ku balamay kulan dambe si wax looga qabto arrimaha ay ka hadleen guddiga shirkadaha diyaaraha.

Warar kale oo la xiriira