Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo caddeeyay in aysan qeyb ka aheyn heshiiskii Baydhabo, dhaliilna u jeediyay Farmaajo

Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi, ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin in shirarkii Dhuusamareeb iyo Muqdisho ay ku qabaneysay dowladda ay ahaayeen kuwo an loo dhameyn, isla markaana aysan jirin dad ku matalayay Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ee loo yaqaan Soomaliland.

Mudane Xaashi, ayaa hadalkaasi maanta ka sheegay shir jaraa’iid oo magaalada Muqdishu ay ku qabteen siyaasiyiinta iyo wax-garadka ka soo jeeda Somaliland.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in shirkii ugu dambeeyay ee guddiyada farsamada ay ku yeesheen Baydhabo uu ahaa mid kaliya ay ka qeyb galeen xubno ka socda dowladda, dowlad Goboleedyada iyo gobolka banaadir, balse aysan jirin cid ku maaleysay Gobolada Waqooyi, isla markaana aysan aqoonsaneyn heshiis lagu gaaray.

“Heshiiska Shirka Baydhabo anaga qeyb kama nihin, waa ayo cida noo heshiineysa wax aan qaadan karno ma ahan, aniga iyo Farmaajo waxaa isku diinahay Dastuurka,. Marka aan si gaar ah uga hadlo Somaliland – dowlad ahaanna uguma jirto, dadka halkan u jooga midnimada xubno kama lahan. Su’aasheydu waxay tahay yaa nagu metela, waa ayo cida noo heshiineysa? Heshiis ma jiree waa naloo heshiiyey”.

Warar kale oo la xiriira