Warar 

Wararkii u dambeeyay ee banaanbax saaka ka dhacay Mogadishu iyo xildhibaanno ka qeyb-galay

Banaanbaxyaal lugeynaya oo ay hoggaaminayaan musharraxiin iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, ayaa maanta socod ku maray inta u dhexeysa KM4 ilaa garoonka diyaaraha ee Mogadishu.

Bannaanbaxayaasha waxaa hor kacayay musharraxiinta kala ah C/kariin Guuleed, Xasan Cali Kheyre, C/raxmaan C/shakuur iyo Xildhibaano.

Dhinaca kale rasaas ayaa laga maqlay aaga KGM ka hor inta aysan dibadbaxayaasha soo gaarin, lamana ogga rasaastaasi waxa ay tahay.

Dowladda ayaa xalay la wareegtay nawaaxiga daljirka daahsoon, halkaaso oo ay joogeen ciidamo daacad u ahaa musharraxiinta oo maanta doonayay in ay banaanbax ku qabtaan halkaasi.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira