Warar 

Xasan Cali Kheyre: isku day dil ayaan ka badbaadnay

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inuu ka badbaaday “isku day dil” lala damacsanaa.

“Waxaan aniga iyo dhowr musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, masuuliyiin kale iyo shacab badan ka badbaadnay isku dey dil ah oo toos ah oo lagu qorsheeyay in nalagu khaarijiyo”, ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-ga.

Mar sii horreysay maanta ayaa rasaas lagu furay dibadbaxyaal ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah midowga musharrixiinta oo uu ku jira Xasan Calli Kheyre. Waxay dhagaha ka fureystaeen amar dowladeed oo ahaa inaaan la qaban karin dibadbaxyada Covi19-ka soo laba kacleeyay dartii.

Mucaaradka ayaa ka cabanaya dib u dhaca ku yimid doorashada iyadoo muddo xileedkii madaxweynaha uu dhammaaday.

Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto. BBC Somali ayaa warbixinta markii hore lagu daabacay. 

Warar kale oo la xiriira