Warar 

Jubbaland oo ugu baaqday mas’uuliyiinta dalka inay ilaaliyaan xuquuqda dastuuriga ee muwaadiniinta Soomaaliyeed

Maamulka Jubbaland ayaa sheegtay in ay dhaleeceyneyso qalalaasihii ka dhacay Muqdisho, iyadoo wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidamada dalka ee loogu tala galay inay la dagaalamaan cadawga loo isticmaalay in lagu weeraray mas’uuliyiin ka tirsan saamileyda siyaasadeed ee dalka.

“Dowladda Jubbaland waxay nasiib darro u aragtaa in dowladda Federaalka ee waqtigeeda dhamaaday, iyadoo awoodi kartay inay ka shaqeyso in xal siyaasadeed laga gaaro kala duwanaanshaha afkaaraha inay qaaday tallaabooyin gurracan oo ciidankii dalka u isticmaashay si ka baxsan sharciga, si la mid ah siday ku sameysay Gobolka Gedo”ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka

Halkan hoose ka akhriso War saxaafadeed

Warar kale oo la xiriira