Warar 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay rabshadihii ka dhacay Muqdisho baaqna u diray shacabka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa nasiib darro ku tilmaamay in xilligaan la yiraahdo dalka dowladi kama jirto, weerarna lagu qaado saldhigiyada ciidanka qaranka ee difaaca dalka.

Mudane Rooble, ayaa hadalkaasi sheegay kaddib markii shalay iyo habeen hore magaalada ay ka dhaceen iska hor imaadyo hubeysan oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo kuwo daacad ku ah musharraxiinta xilka madaxweynenimada.

Waxa uu shacabka ugu baaqay inaysan aqbalin in dagaal laga rido magaaladooda oo la burburiyo hantidooda, guryahooda iyo nabaddii ay u soo dhibtoodeen.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in uu dadaal aad u weyn ku bixiyay sidii looga baaqsan lahaa dhibkii dhacay balse laga dhaga adeygay.

Warar kale oo la xiriira