Warar 

“Suura-gal ma ahan in shir doorasho lala galo ninkii weeray hotel labo Madaxweyne hore ay degganyihiin”

Waxaan marna maangal aheyn in shir doorasho lala galo ninkii weeray hotel ay labo Madaxweyne iyo Guddoomiye Baarlamaan hore degganyihiin, weeraray shacab iyo masuuliyiin siyaasadeed oo muddaaharaad nabad ah dhigaya.

In dalka laga badbaadiyo kala talisnimo iyo natiijadeeda oo ah dirir sokeeye waa masuuliyadda saaran Soomaali oo idil. Haddaba siyaasiyiinta iyo madaxda Dowlad Goboleedyada iyo inta damiirka leh ee diiddan dhaqanka kali talisnimada iyo in dalku dagaal sokeeye dib ugu noqdo, waxey gudanayaan waajib waddani ah iyo mid akhlaaqi ah. 

Ma aha in ay cidna marti uga noqdaan ama uga haybeystaan badbaadinta dalkooda. Taariikhda ayaa xusi doonta. 

Ma habbooneyn in lala kulmo Guudlaawe iyo Qoorqoor iyagoo aan caddeyn mowqif ay ka taagan yihiin weerarradii waxashinimo ee Farmaajo ku qaaday shacabka iyo siyaasiyiinta ay deegaannadooda metelaan. Mana aha in ay u ekaysiiyaan in xaalku caadi yahay, lana cammiro shirka Farmaajo. Waa xadgudub kale in Muqdisho oo aan dibadbax nabadeed ka dhici karin la yiraahdo ninkii shacabkeedii iyo ragii la tartami lahaa weeraray ayaa doorasho lagala xaajoonayaa.

W/Q Abdirahman Abdi Shakuur Warsame 

Warar kale oo la xiriira