Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo hambalyo u diray Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa hambalyo ku aaddan sanad guuradii 51-aad ee kasoo wareegatay aas-aaskii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed u diray sarreeyayaasha, saraakiisha,saraakiil xigeenadda,Alifleyda iyo dableyda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in ciidanka asluubta Soomaaliyeed ay door weyn ku leeyihiin amniga iyo xasilinta guud ahaan Dalka, isagoo guud ahaan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo hogaankooda u rajeeyay horumar kan kasii balaaran.

 

Warar kale oo la xiriira