Warar 

Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo ka baaqday wadahadalka doorashada ee uu ku baaqay Madaxweyne Famaajo

Madaxweyneyaasha maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa ka baaqday shirka arrimaha doorashooyinka ee dhowaan uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulankan ayaa la filayay in lagu soo afjaro ismariwaaga ka taagan hannaanka doorashada Soomaaliya.

War-saxaafadeed shalay kasoo baxay Kismaayo ayaa lagu sheegay in Jubaland aysan shirikaas ka qeyb geli doonin ilaa ay dowladda federaalka raalligelin ka bixiso waxa ay ku tilmaantay “tallaabada gurucan ay u geysatay muwaadiniinta” iyo in la helo damaanad-qaad ku aadan fullinta natiijada shirka.

Maalintii Jimcada ayuu magaalada Muqdisho ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay laamaha amniga iyo mudaharaadeyaal doonayay in uu madaxweynaha xafiiska ka tago.

Warar kale oo la xiriira