War-Saxaafadeedyo 

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo la kulmay Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed, ayaa xalay magaalada Mogadishu kulan kula yeeshay madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Labada dhinac ayaa kulanka uga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo tan doorasho ee dalka iyo arrimo la xiriira dastuurka. Dhinaca kale madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa waxaa uu sidoo kale la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Mudane Guudlaawe, ayaa magaalada Mogadishu u jooga ka qeyb-galka shirka arrimaha doorashooyinka ee uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo.

Warar kale oo la xiriira