Aragti 

“Sawirkan waa afar sano kahor maanta oo kale”

Sawirkan waa afar sano kahor maanta oo kale. Waa maalintii si rasmi ah loo caleema saaray mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo inuu noqdo madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya. 

Sawirku wuxuu astaan ifeysa u ahaa sida uu u xoogeystay nidaamka dimoqraadiga ah ee dalkeenna. Maalintii xigtay, wargeysyada Africa iyo kuwa carabta ee aan waligood arag madax xilka si nabad gelyo ah isugu wareejinaya, ayaa boggooda hore sawirkaas quruxda badan kusoo qaatay. 

Ayaan darro, wadiiqadaas wanaagsan waxaa ka weecday madaxweynaha muddo xileedkiisu idlaaday ee Farmaajo. Macaansiga kursiga ayaa kala qiima badnaaday bedqabka dalka iyo dadka. 

Ha yeeshee, waan hubaa inuu qaadi doono waddadii ay hortiis qaadeen kalitaliyeyaal badan. 

W/Q Abdi Ceynte 

Wabillahi Towfiiq.

Warar kale oo la xiriira