Warar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xoojiyay muhiimada hirgelinta heshiiskii doorashada ee 17-kii September

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, oo ka warbixinayay kulankii gaarka ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay uga hadleen xaaladda Soomaaliya ayaa sheegay in shirkaasi si gaar ah diirada loogu saaray arrimaha Doorashada iyo bini-adanimada Soomaaliya, isagoo jeediyay warbixin dhinacyo badan ka hadleysay.

Wasiirka ayaa xoojiyay in ay muhiim tahay hirgelinta heshiiskii 17-kii September, taas oo horseedeysa in la gaaro doorasho loo dhan yahay.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in heshiiskii la gaaray 17-kii Sebtember u yahay kan ugu habboon ee lagaga bixi karo dib u dhaca dooarshada, iyo xaqijinta in hoggaamiyayaasha Soomaaliya ay idan cad u haystaan wajaibaadkooda isla markaana loogu soo noqon lahaa in mudnaanta la siiyo ajandayaasha Qaranka.

Warar kale oo la xiriira