Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyay geerida Ugaas Xasan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo xalay ku dhintay Muqdishu.

“Aniga oo ku hadlayo magaca Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyska iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho”. 

“Ugaaska waxa uu ka mid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed ee mudada dheer ka shaqeynaayay dib u heshiisiinta iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya”. ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal.

Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo, Eheladiisa, Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Islaamka ahna samir iyo iiman Allaha ka siiyo.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira