Baarlamaanka 

Baarlamaanka Hirshabelle oo yeeshay kulan looga hadlayay Dastuurka iyo xeer hoosaadka golaha

Baarlamaanka Hirshabelle ayaa yeeshay kulan ajandihiisu uu ahaa dhageysiga warbixinnada Guddiyada Xeer Hoosadka iyo Dastuurka Baarlamanka Hirshabelle.

Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ayaa ugu horeyn Xildhibaannada ka hor akhriyey qodobadii ay dib-u-eegista iyo wax-ka-badalka ay ku sameeyeen.

Dhinaca kale Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Guddiga Xeer Hoosadka ayaa Xildhibaannada uga warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay iyagoo Xildhibaannada ka codsaday in xildhibaannada ay gacan ku siiyaan Guddashada Waajibadkoda.

Guddiga ayaa u soo jeediyeen Guddoonka Golaha inay ka shaqeeyan sidii Xildhibaannada u heli lahaayen xuquuqdooda Dastuuriga oo dhammeystiran. 

Kulanka oo ahaa Kalfadhiga 1aad Fadhigiisa 18aad ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan Xaaji Muxumed oo uu wehlinaayay Guddoomiye kuxigenka 2aad Mudane Mahad Hassan Osman. 

Warar kale oo la xiriira