Warar 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo maanta shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa maanta shir guddoomiyay shir degdeg ah oo ay iskugu yimaadeen Golaha Wasiirada Galmudug.

Shirka maanta ayaa looga hadlay xaaladaha cudurka covid-19 ee deegaannada maamulka.

Wasiir Dowlaha Wasaarada Caafimaadka Galmudug ayaa kulanka looga dhageystay warbixin kusaabsan xaaladaha cudurka Covid-19 iyo sida wasaaradda caafimaadka Galmudug ay ugu diyaar garowday in cudurku uusan bulshada Galmudug ku dhex faafin

Warar kale oo la xiriira