Warar 

Puntland iyo Jubbaland oo ka hadlay heshiiska dhex maray Dowladda Federalka iyo Midowga Musharraxiinta

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa dhaweeyay heshiiska ay wada gareen Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharraxiinta, taariikhdu markii ay aheyd 25 Feb 2021. 

Sidoo kale waxaa ay soo dhaweeyeen in DFS ay garwaaqsatay masuuliyadda wixii ka dhacay Mogadishu, 19kii Feb, ayna oggolaatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo.   

Puntland ayaa sheegtay in ay ka rajeyneyso Dowladda Federaalka ah dhammeystirka wax ka qabashada caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo lagu dhammeystirayo arrimaha muranka ay jiraan. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble dadaalka uu ku bixiyey heshiiska wadajirka ah iyo guud ahaan maareynta arrimaha doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay in la dhaqan geliyo Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee ay wada gaareen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Madaxda Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeella iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, doorka wax ku-oolka ah ee ay ku bixiyeen ka miro-dhalinta waanwaantan.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira