Baarlamaanka 

Guddiga siyaasada Baarlamaanka Puntland oo kulan looga hadlayay cabasho ka timid shacabka la qaatay Wasaaradda Qorsheynta

Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Wakiillada ayaa maanta kulan la qaatay Wasaaradda  Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo iskaashiga caalamiga ah. 

Kulankaan ayaa ujeedadiisa aheyd xal u helidda cabasho ka timi qaybo ka mid ah bulshada Garoowe, taas oo la xiriirta cayayaanka suuska ah oo ka dhashay kaydka raashinka hay’adda cuntada iyo beeraha ee FAO xarunteeda Garoowe. Kaas oo dhibaato weyn ku haya deegaanka ka agdhow xarunta.

Xog isdhaafsi la xiriira ujeedda sare ka dib, waxaa la isla qaatay in xal degdeg ah loo helo cayayaanka suuska ka dhashay ee kaydka hay’adda FAO, lalana kaashado Wasaaradda Deegaanka iyo Dawladda hoose ee Degmada Garoowe.

Warar kale oo la xiriira