Warar 

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal oo Golaha Wadatashiga Qaranka ugu baaqay in ay shir isugu yimaadaan

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa maanta Golaha Wadatashiga Qaran ugu baaqay in si deg deg ah ay shir isugu yimaaddaan, si loo xaliyo tabashooyinka kasoo laabtay heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020.

Guddigu ayaa dhinaca kale soo dhaweeyay heshiiskii dhawaan ay wada galeen Midowga Musharixiinta iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsanaa is fahamka waxyaabihii dhacay, waxa uuna guddigu ku booriyay in ay sii wadaan dadaallada la isugu soo dhoweynayo dhinacyada siyaasadda iyo daneeyayaasha kale ee doorashooyinka, si wadanka ay uga qabsoonto doorasho loo wada dhan yahay oo xor iyo xalaal ah.

“Guddigu isagoo ka eegaya xaaladda dalka dhinacyada amniga, siyaasadda iyo duruufaha kale ee nololeed ee ay qabaan dadka Soomaaliyeed, una baahan in laga gudbo marxaladdan wuxuu ku baaqayaa in dhinacyada Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka oo ah cidda ay ka go’do taladda doorashadu ay fuliyaan heshiiskii doorashada ee 17 Sebteembar 2020”.

“Ugu dambeyntii, Guddigu waxa uu shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa in xalka kaliya ee marxaladdaan xasaasiga ah looga gudbi karaa ay tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhanyahay, iyadoo guddiguna diyaariyey dhammaan habraacyadii doorashooyinka ee loo baahnaa, una diyaarsanyahay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah, oo ka dhacda dalka, waafaqsanna heshiiskii siyaasadeed ee ka soo baxay  Golaha Wadatashiga Qaran.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay guddiga.

Warar kale oo la xiriira