Warar 

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharraxiinta oo maanta kulan ku leh Muqdishu

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa galabta kula kulmaya Hotel Decale Midowga Musharraxiinta xilka madaxtinimadda dalka.

Kulanka ayaa lagu sheegay in uu qeyb ka yahay dhammeystirka heshiiskii 25kii Febraayo dhex maray Ra’isul Wasaaraha iyo Musharraxiinta.

Xukuumaddu ayaa sheegtay in ay dadaal dheeri ah ku bixinayso sidii ay ula fariisan laheyd cid walba oo ka aragti duwan si dalka uu doorasho u galo.

Warar kale oo la xiriira