Warar 

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo musharraxiinta mucaaradka oo si wadda-jir ah u magacaabay laba guddi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Midowga Musharaxiinta ayaa magacaabay labo guddi oo dhaqan-geliya qodobbadii ay isku af-garteen labada dhinac kaddib markii shalay ay yeesheen kulan lagu dhammeytirayay heshiiskii 25-kii Febraayo.

Guddiga qaban-qaabada bannaan baxa oo ka kooban 6 xubnood oo ka kala socda Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Midowga Musharixiinta waxay kala yihiin;

  1. Xasan Xundubay Jimcaale
  2. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish)
  3. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
  4. Daahir Maxamuud Geelle
  5. Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow
  6. Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Cadaala)

Magacaabista Guddigan ayaa salka ku haysa kadib markii ay heshiis ku gaareen Ra’iisul Wasaare Macamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta in si wadajir ah looga shaqeeyo abaabulka bannaan bax nabadeed iyada oo laga taxadarayo halista amni iyo midda caafimaad ee ku xeeran xaaladdaas, lana raacayo tilmaamaha hay’adaha amniga iyo kuwa caafimaadka.

Guddiga labaad ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble magacaabay ee baaraya dhacdooyinkii 19kii Febraayo ayaa ah min 3 xubnood oo ka socda Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharrixiinta waxayna kala yihiin;

  1. S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobbe.
  2. Col. Maxamed Cabdulqaadir Xaaji
  3. S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare
  4. S/Guuto Maxamed Cali Bariise
  5. G/le Dhexe Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud
  6. Xuseen Macalin Maxamuud

Warar kale oo la xiriira