Warar 

Beesha caalamka oo soo dhoweysay wadahadalka dheeraadka ah ee u dhexeeya madaxda siyaasadda

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa dhoweeyay wadahadaladii dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha.

Beesha caalamka ayaa codsaday Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha inay ku tallaabsadaan horumar hor leh.

“Waxaan sidoo kale ku boorineynaa madaxda DFS iyo DGXF inay qabtaan shir-madexeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember, loona soo gabagabeeyo dib u eegista soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16kii Febraayo si geedi-socodka doorashada uu u bilaawdo iyadoo aanay jirin dib u dhac dambe.”

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira