Baarlamaanka 

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka tacsiyeeyey geerida Xildhibaan Axmed Dhimbiil Rooble (Casoowe)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Xildhibaan Axmed Dhimbiil Rooble, oo maanta ku geeryooday magaalada Muqdishu.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii Marxuumku uu ka soo qaatay dowladnimada, midnimada, nabadda, xasilloonida iyo horumarka Shacabka Soomaaliyeed xilliyadii adkaa ee uu dalku soo maray.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waa geeri xanuun badan, Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Dhimbiil Rooble (Casoowe) waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, isagoo noqday Guddoomiye Ku-xigeenkii 2-aad ee Baarlamaankii Dowladdii Kumeel gaarka ahayd, labaatankii sano ee u danbeysayna wuxuu ahaa mudane ka tirsan Golaha Shacabka, waxa uuna si hufan ugu soo shaqeeyey Qarankeenna.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle u waydiiyey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeello Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, oo ka tacsiyadeynayay geerida xildhibaanka ayaa yiri “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska,asxaabtii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe). Marxuumka Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelkiisana samir iyo iimaan Allaha ka siiyo. إنا لله وإنا إليه راجعون” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Allaha u naxriistee Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe) ayaa ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 10-aad.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira