Aragti 

Soomaaliya labadii todobaad ee la soo dhaafay waxaa horyaalay laba waddo midkood:

1. Waddo la soo tijaabshay oo aan ciribteedii danbe la mahdin taasoo ah tan cadaadiska iyo caburinta inta badana ku dhamaata fowdo iyo QARAN-jab, ayadoo la adeegsanayo askari qori kaliya ku hubaysan iyo shacab xoriyaad iyo xuquuqdoodii dastuuriga ah baadigoob ugu jira. 

2. Wadada kale ee ay ahayd in aan muran la gelin waa midda Dimuqraadiyada, sarraynta sharciga iyo dhaqangelinta xuquuqda dastuuriga oo ay ugu horayso xaqqa muwaadinka iyo xorriyaadka aasaasiga ah sida xaqqa banaanbaxa oo muran weyn uu ka taagnaa laakin caaway la go’aamiyey banaanbax nabadeed oo ra’yiga muwaadiniinta lagu cabbirayo, dawladduna waajibka uga aadan ay ka qaadanayso (dhanka amniga, tas-hiilaadka gaadiid ee dadka ka qeybgalaya, isla xadididda goobta uu ka dhacayo iyo ka warhaynta xogta banaanbaxa).

Todobaadkii hore waxaa halis loogu sigtey in la qaado wadada caburinta iyo awood-sheegashada, laakin todobaadkan soo faragelintii Raysulwasaaraha iyo is-aragii asaga iyo midowga musharixiinta ka dib waxaa soo baxdey in wadada labaad la doorto ayna ka dhib yar tahay, kana fiican tahay tan hore. 

Banaanbaxa soo socda oo ay xoogagga mucaaradku meel fagaara ah ku qabanayaan, taageerayaashooda ay u qayladhaansadeen in ay si weyn uga soo qeybgalaan wuxuu noqonayaa banaanbaxyada la xusuusto ee taariikhda dhow ee Soomaaliya kii ugu xiisaha badnaa, arrinta xiisaha badan u yeelaysana waa in aan si sahlan loo foolan ee uu ku yimid qaliin doceed ( Caesarean section), waa haddii sida loo qorsheeyey uu u dhaco oo uusan biya-days hor leh yeelan.

W/Q Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi 

Warar kale oo la xiriira