Baarlamaanka 

Sannadkan caqabadaha dhallinyarada ka hortaagan u tartamida kuraasta Baarlamaanka Federaalka:

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa bishii Octoober ee sannadkii 2020 soo saaray habraaca doorashooyinka dadban ee sannadkan 2021, kaddib markii 26-kii September Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay heshiiskii doorashada ee ay wada gaadheen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, maammul goboleeddada iyo gobolka Banaadir.

Dhallinyarada ayaa u arka shuruudaha ku jira habraacyada in ay intooda badan ka hor istaagayaan kamid noqoshada Baarlamaanka iyo guud ahaan siyaasadda dalka.

Tusaale ahaan lacagta diiwan-galinta musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare, waxay noqonaysaa $20,000 (labaatan kun oo dollar) musharax kasta. Halka sannadkii hore ee 2016/17 ay aheyd $10 (Toban kun oo dollar) musharax kasta.

Dhinaca kale, lacagta diiwan-galinta musharaxiinta u tartamaya Golaha Shacabka, waxay noqonaysa $10,000, (Toban Kun oo dollar) musharax kasta. Halka sannadkii hore ee 2016/17 ay aheyd $5 kun oo dollar.

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Xisbiga Aayaha Shacabka Soomaaliyeed Ubax Ibraahim Yuusuf, ayaa sheegay in caqabadaha shaqsi ahaan ka hor taagan u tartamida Baarlamaanka in ay kamid yihiin dhaqaallo la’aan, fursado shaqo iyo mid tababar oo aysan heysanin.

“Caqabadaha i hortaagan waxaa mas’uuliyadooda iska leh dowladda, maxaa yeelay ma jirto siyaasad cad oo ku wajahan dhallinyarda, nin kasta oo ku fadhiya kursiga waxaa uu ilaalsanayaa kursiga uu ku fadhiyo, isaga oo ka fakaraya kana shaqeynaya sida uu u joogi lahaa booska”, ayey u sheegtay Kalfadhi.com.

Dhinaca kale Mohamud Mohamed Muuse, oo horay u ahaa Guddoomiyihii Xisbiga Shaqsiyada Wadaniyiinta Soomaaliyeed, ayaa xusay in caqabadaha dhallinyarada ka hortaagan u tartamida kuraasta golayaasha sharci dajinta ay u weynyihiin labo qodob oo kala ah: Odayasha iyo beelaha ku suntan kuraasta madama qaab qabaa’il kuraasta lagu raadiyo.

Qodob kamid ah heshiiska madaxda ayaa dhigaya in xulista ergada ay iska kaashanayaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka.

Odayaasha ayuu ku eedeeyay in aysan oggoleen muujinta doorka dhallinyarada iyo dowladda oo aan jaangooynin qofka dhallinyaradaha ah lacagta uu isku-diiwaan-gelin lahaa, madaama dhallinyarada aysan awoodin cadadka lacagta oo aad u badan iyo fursado shaqo oo aan ka jirin dalka.

Maxamuud, ayaa aamin in dhallinyaro badan oo dalka wax usoo bartay isla markaana ka nadiif ah qabyaaladda, in ay hadda ka niyad jabeen kaddib markii ay oggaadeen in aysan awoodin qarashka diiwaan-gelinta iyo hab-dhaqanka odayaasha beelaha.

Ubax Ibraahim, ayaa xalka caqabadahaasi u aragta in doorka dhallinyarada la muujiyo, Wasaarradaha iyo hay’addaha madaxa banana in ay dhiira-geliyaan isla markaana ay fursado shaqo u abuuraan dhallinyaradda guri joogta ah iyo kuwa waxbartay.

Ugu dambeyn Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay caddeyso qoondo la yaqaanno oo dhallinyarada laga siiyo Baarlamaanka.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira