Warar 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay shirkii ku soo dhammaaday natiija la’aanta ee uu la qaatay Musharraxiinta

Shirkii u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo madaxda Midowga Musharraxiinta ayaa xalay kusoo dhammaaday natiijo la’aan, kaddib saacado badan oo uu socday shirka.

shirka ayaa bilowday 8 habeenimo, isagoona dhammaaday 3 habeenimo. Mudane Rooble, ayaa xusay in uu sameeyay tanaasul badan intii shirka uu socday. 

“Qodobbadii aan ka hadalnay waan isku raacnay marka laga reebo qodob ay ku adkeysteen oo ah in laga qeyb galiyo shirka Madasha Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, taas oo la macne ah in dib loo furfuro heshiiskii 17-kii September,2020, oo aanan kaligey xaq u lahayn wax ka baddelkiisa.”

“Wali Albaabadeydu way u furan yihiin wada hadal iyo is-qancin, si aan xal kama dambeys ah u gaarno dalkana uga hirgalinno doorasho hufan oo si nabad ah ku dhacda.”, ayuu raaciyay hadalkiisa Mudane Rooble.

Warar kale oo la xiriira