Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo tacsi u diray Xildhibaan Cali Dhahar oo hooyadii ku geeriyootay Gobolka Sanaag

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, ayaa sheegay in isagoo ku hadlaya magaciisa iyo kan Golaha Wakiillada, uu dhambaal tacsi ah u diray Xildhibaan Cali Axmed Saalax ( Cali Dhahar) oo Hooyadii Marxuumad Raxmo Ciise Rabaadin ku geeriyootay magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ahna Ku-simaha Guddoomiyaha ayaa marxuumadda Eebbe uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskeeda iyo dhammaan dadkii ay ka geeriyootayna samir iyo iimaan ka siiyo. 

Warar kale oo la xiriira