Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Xildhibaanno ka qeyb-galay aas qaran oo loo sameeyey Marxuum Xildhibaan Cali Dhahar

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril, Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda, Xildhibaanno kamid ah Golaha Wakiilladda, Isimo, Maamulka Gobolka Sanaag, kan degmada Badhan, Shacab iyo masuuliyiin kale ayaa maanta magaalada Badhan kaga qayb galay aas qaran oo loo sameeyey AUN Marxuum Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar) oo ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilladda oo shalay ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Badhan iyo Ceel-daahir.

Guddoomiyaha ayaa salaatul Jinnaasada iyo aaska kadib u duceeyey Marxuumka oo ahaa Mudane dalka & dadka usoo shaqeeyey, muddo dheerna ka mid ahaa Hawl-wadeenada Golaha Wakiillada DPL, haddana ahaa Xildhibaan iyo Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada & Dhaqank Golaha Wakiillada DPL.

“Waxaan maanta halkan ku aasnay Marxuum Xildhibaan Cali Axmed Dhahar, Alle naxariistii Janno ha siiyo innagana Samir iyo iimaan Alle ha inaga siiyo, nin Rabbi yaqaan oo caadil ah buu ahaa, si gaar ah waxaan uga tacsiyaynayaa Golaha Wakiillada, eheladiisa iyo guud ahaan bulshada Puntland ” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland.

Marxuumka ayaa Hooyadiis shalay geeriyootey, waxaana uu doonaayey in uu ka gaaro aaskeeda, laakiin shilkan waxa uu sababey in isaga iyo Hooyadiis isla maalin geeriyoodaan, tan oo ah geeri aad u naxdin badan.

Xildhibaanka ayaa ku sii jeeday degmada Badhan oo ay ku geeriyootay hooyadii marxuumad Raxma Ciise.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira