Warar 

Dhallinyaro ka soo jeeda Somaliland oo loo diiday in Muqdishu ay ku qabtaan banaan-bax looga soo horjeeda Farmaajo oo sheegay in loo hanjabay

Dhallinyaro ka soo jeeda deegaannada Somaliland ayaa sheegay in loogu hanjabay in dhammaantood la dili doono, kaddib markii ay sheegeen in ciidanka dowladda ay ka hor istaageen banaan-bax ay kaga soo horjeedaan madaxweyne Farmaajo.

Mubaarak Maxamed Axmed, Cabduwali Gaas, Zamzam Muxumud iyo Maxamed Ciise Sulub, ayaa saraakiil ka ag dhow madaxweynaha ku eedeeyay hanjabaada loo jeediiyay, waxaana hay’adda garsoorka ay oggeysiiyeen in aan la fududeysan handadaada.

Dowladda federaalka ayaa todobaad ka hor mamnuucday isku-imaatinada, iyadoona amartay in iskuulada iyo jaamacadaha la xiro kaddib markii xusuunka COVID-19 uu kusoo laba kacleeyay dalka Soomaaliya.

17-kii bishii hore Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi, oo soo saaray war-saxaafadeed ayaa sheegay in aan wax tixgelin ah la siinin dadka reer waqooyi ee Somaliland ee midnimada u taagan, mana jirto cid ku metesha dhammaan shirarkii looga hadlayey masiirka dalka iyo doorashooyinka.

Warar kale oo la xiriira