Baarlamaanka 

Dood looga hadlay amniga haweenka musharraxiinta ah oo lagu qabtay Muqdishu

Kulan dood wadaag ah oo ku saabsanaa ka qeyb-galka haweenka ee geedi-socodka doorashooyinka dalka, ayaa maanta lagu qabtay Hotel Dorbin ee Magaalada Muqdishu.

Wasaaradda Haweenka, ururo ka socday haweenka Soomaaliyeed iyo haween kale oo siyaasiyiin ah, ayaa kulanka la yeeshay Hay’addaha Amniga Qaranka. 

Intii uu socday kulanka, ka qeyb-galayaasha ayaa is dhaafsaday aragtiyo, su’aalo la xiriira amniga haweenka musharixiinta ah, ilaalinta qoondada haweenka ee 30 boqolkiiba iyo wax ka qabashada caqabadaha dhanka amniga ee haweenka inta lagu gudajiro howlaha doorashada.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira