Warar 

Shirka maamul-gobolleedyada iyo dowladda dhexe oo dhowaan furmaya iyo Madaxweynaha Jubbaland oo maanta ku soo wajahan Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa gelinka dambe ee maanta la filayaa in uu soo gaaro magaalada Muqdisho.

Shirka dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ka furmo Muqdishu si loo dhammeystiro heshiiska 17 September ee arrimaha doorashooyinka.

Dhinaca kale madaxweynaha Puntland ayaa isagana la filayaa in uu yimaado berri, halka madaxda kale la filayo in maanta ay soo gaaraan magaalada.

Shirkan ayaa dhowr jeer u baaqday khilaaf ku saabsan doorashooyinka iyo shuruudu ay hor dhigeen maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Warar kale oo la xiriira