Warar 

Wakiilka QM iyo madaxweynaha Jubbaland oo yeeshay kulan looga hadlay doorashooyinka

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa kulan la qaatay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay arrimaha doorashada.

Wakiilka QM, ayaa hoggaaminaya xubnaha beesha caalamka ee dhex dhexaadinta ka dhex wada hoggaamiyayaasha siyaasada si xal loo gaaro. 

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Muqdisho u yimid sidii xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha arrimaha doorashada ka taagan.

Warar kale oo la xiriira