Warar 

Ahmed Madoobe iyo hoggaamiyaha xisbiga Wadajir oo kulan ku yeeshay Muqdishu

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta Muqdishu kulan kula qaatay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Abdirahman Abdishakur Warsame.

Kulankan oo ka dhacay hooyga Madaxweynahu, ayaa looga hadlay arrimo la xiriira doorashada, shirka 17 Sept iyo guud ahaan xaaladda dalka.

Jubbaland iyo Puntland ayaa horay shuruud ugu xiray ka qeyb-galka shirka, balse hadda waxaa muuqata in dhinacyada ay isku soo dhowaadeen.

Warar kale oo la xiriira