Baarlamaanka 

Guddoonka Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyay geerida xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka

Guddoonka Golaha Shacabka BJFS ayaa uga tacsiyadeeyay dhammaan xildhibaanadda Golaha iyo bulshada Soomaaliyeed geeridii ku timid marxuum Xildhibaan Eng Maxamed Maxamuud Boonoow oo magaaladda Baydhabo ku geeriyooday.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa si gaar ah ugu tacsiyadeeyay qoyskii, iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Xildhibaan Maxamed Boonoow. 

Marxuumka sidoo kale waxaa uu ahaa wasiiru dowlihii wasaaradda Amniga Qaranka, isagoona sidoo kale kamid ahaa ragga waaya aragga ah ee ku jiray baarlamaanka Soomaaliya muddo dheer.

Warar kale oo la xiriira