Warar 

Midowga Musharraxiinta oo cambaareeyay weerarkii hoobiyaasha ee xarunta Xalane, walaacna ka muujiyay xaalada amni

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa maanta cambaareeyay qaryadii lala beegsaday maqaayada Luul Yemani, weerarkii xabsiga Boosaaso iyo hoobiyaashii lagu weeraray shalay xarunta Xalane ee magaalada Muqdishu.

Musharraxiinta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay masuuliyaddii ka saarneeyd sugida amniga. Dhinaca kale Golaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka taxadaraan faafida Cudurka halista ah ee COVID-19, ayna ka feejignaadan dhibaatooyinka amni darro ee ka dhacaya dalka ee kuwa geysanaya ka faa’iideysanayaan Jahwareerka siyaasadeed ee jira.

Al Shabaab ayaa shalay sheegtay masuuliyada weerar hoobiyaal ah oo lagu qaaday xarunta Xalane, inkasta oo aan lasoo sheegin khasaaraha weerarkaasi.

Halkan ka akhriso war-saxaafadeedka

Warar kale oo la xiriira