Baarlamaanka 

Xildhibaan Daahir Jeesow oo sheegay in aysan jirin musharraxiin la ogyahay oo si rasmi ah u buuxiyay shuruudaha

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in uu aaminsanyahay in hadda aysan jirin musharrax si rasmi ah u diiwaan-gashan oo la ogyahay.

Musharraxiin kor u dhaafaya 20 oo ay ku jiraan madaxweynayaal hore, Ra’iisul wasaare iyo siyaasiyiin kale ayaa horay u sheegay in ay yihiin musharraxiin u taagan xilka madaxweynenimadda dalka balse ilaa iyo hadda ma jiro guddi doorasho oo la isku raacsanyahay oo bilaabay diiwaan-gellinta musharraxiinta.

“Xiligan hadda la joogo ma jiro musharrax si rasmi ah shuruudaha u buuxiyay oo la ogyahay. Dadka raba in ay isa sharaxaan waa dad la dhegeyso ama dad horay dalkan madaxweynayaal uga soo noqday”, ayuu yiri xildhibaan Jeesow.

Warar kale oo la xiriira