Baarlamaanka 

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan maanta la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa saaka kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS Mudane Cabdi Xaashi iyo xubno ka socday siyaasiyiinta Goboladda Waqooyi ee Somaliland.

Kulanka ayaa daba socda kulamo madaxweynaha uu la lahaa siyaasiyiinta, kuwaasi oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka iyo xalka heshiiska doorashada.

Mudane Xaashi iyo Axmed Madoobe, ayaa kulankooda kaga hadlay arrimo la xiriira doorashada xubnaha xildhibaannada Gobolada Waqooyi iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Goboladaasi sidii ay door ugu yeelan lahaayeen. 

Madaxweynaha ayaa tan iyo markii uu soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaa uu waday kulamo la xiriira arimaha Doorashada, isagoo kulamo la qaatay dhinacyada ay qusayso taas oo gogol xaar u ah shirka dhawaan ka dhici doona Magaalada Muqdisho.

Warar kale oo la xiriira