Warar 

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Danjire Yamamoto

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta magaalada Muqdishu kula kulmay Safiirka Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashada iyo sidii caqabadaha ka jira meesha looga saari lahaa shirka soo socdo u noqon lahaa mid najaxa. Shirka dhacaya todobaadkan ayaa ah mid looga hadlayo dhammeystirka heshiiskii 17 Sept ee arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha dowlada goboleedka Jubaland Axmed Madoobe ayaa shalay magaalada Muqdishu kula kulmay Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ahna Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Warar kale oo la xiriira