Warar 

Midowga Musharraxiinta oo ka tacsiyeeyay geerida madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed

Midowga Musharaxiinta ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed, oo xalay ku geeryooday magaalada Narirobi.

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, waxaana uu sheegay in Madaxweynihii hore ee dalka uu ahaa hoggaamiye ku sifoobay nabadoonimo, dadaal badan ku bixiyay in Soomaaliya ay hagaagto.

“Waxaan murugada la qaybsanayaa guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed anigoo uga tacsiyeynaya geerida Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed oo Nairobi ku geeriyoodey. Wuxuu dalka u soo shaqeeyey xilli adag isagoo qayb ka qaatay shirar badan oo dib u heshiisiineed oo Soomaalida gudaha iyo banaankaba loogu qabtay.”

“Waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa qoyskiisa iyo qaraabada, Allaha u naxariisto Samir iyo Iimaanna Allaha naga siiyo.”

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira