Warar 

RW Rooble oo magacaabay Guddiga ka shaqeeya aas Qaran oo loo sameeynayo madaxweynihii hore ee dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya aaska Qaran oo loo sameynayo Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo galabta ku geeriyooday dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay guddigan oo ka kooban Xukuumadda , Xildhibaanno, qeybaha bulshada iyo qoyska marxuumka, waxayna kala yihiin;

  1. Xasan Xundubeey Jimcaale, Guddoomiye
  2. Cismaan Abokar Dubbe, Guddoomiye ku-xigeen
  3. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Xubin
  4. Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, Xubin
  5. Xasan Xuseen Xaaji, Xubin
  6. Eng. Cabdullaahi Abuuakar Xaaji (Carab), Xubin
  7. Durraan Axmed Faarax, Xubin
  8. Cumar Cali Rooble, Xubin
  9. Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Xubin
  10. Xil. Maxamed Axmed Abtitoon, Xubin
  11. Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Gureey), Xubin

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira