Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Safiirka cusub ee Ingiriiska oo kulan ka yeeshay arrimo la xiriira doorashada

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Safiirka cusub ee Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Marwo Kate Foster.

Guddoomiyaha iyo safiirka ayaa ka wadda-hadlay xaaladda guud ee dalku marayo iyo sida xal looga gaari lahaa arrimaha ku hor gudban doorashooyinka la filayo in dhowaan ay dalka ka qabsoomaan.

Mudane Xaasha, ayaa safiirada kala hadlay taareerida xalka arrimaha murugsan ee ku horgudban nidaamka dimuqraadiyada dalka.

Warar kale oo la xiriira