Warar 

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan looga hadlayo doorashada la yeeshay Musharax Madaxweyne Jabriil Abdulle

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan la qaatay Musharax Madaxweyne Mudane Jabriil Ibrahim Abdulle.

Madaxweynaha iyo Musharax Jabriil Ibrahim ayaa ka wada hadlay xaaladaha guud ee dalka, arrimaha doorashooyinka iyo muhiimada ay leedahay doorashooyin la isla ogolyahay oo dhaca.

Mudane Guudlaawe, ayaa magaalada u jooga ka qeyb-galka shirka doorashada oo maalmaha soo socda ka dhacaya Muqdishu. 

Warar kale oo la xiriira