Falanqeyn 

Dhegeysiga dacwadda badda ayaa maanta ka billowday Maxkamadda ICJ

Soomaaliya waxaa u hadlay Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka oo si qurxoon u jeediyay hadal isugu jira gogoldhig iyo tilmaan uu ka bixiyay qareennada iyo khubarada kale ee Soomaaliya u hadlaya iyo mid kastaa dhinaca uu culeyska saari doono.

Intaa ka dib waxaa doodda sharciga ah ee Soomaaliya soo bandhigay saddex qareen oo ajnebi ah oo si qoto dheer u guda galay kiiska.

Waxay soo bandhigeen hadallo, dokumenti iyo khariiddad ay qaarkood Kenya leedahay kuwaas oo qareennadu ay u cuskadeen in ay markhaati ka yihiin in ay Soomaaliya leedahay badda ay Kenya ku doodeyso.

Kenya waa ay ka baaqsatay in ay soo xaadirto Maxkamadda.

Waxaan ka mahadacelinayaa taageerada buuxda ee ay Soomaalidu u muujiyeen ergada Soomaaliya.

Waxaa i taabatay oo aan si gaar ah uga mahadcelinayaa gabdhaha iyo wiilasha Soomaaliyeed ee isugu soo baxay Maxkamadda horteeda. 

U bareeray qabowga, roobka iyo khatarta Corona ee salaanta iyo sacabka iyo ducada iyo dhiirri gelinta isugu keen daray markii aan Maxkamadda sii galeynay.

Markii aan ka soo baaxnayna sacabka iyo mashxaradda nagu soo dhoweeyay. 

Waxaan leeyahay Allah ha idiinkugu abaalgudo farxad weyn oo waarta.

W/Q Yusuf Garaad 

Warar kale oo la xiriira