Warar 

Guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta oo ka war-bixiyay kulan uu la qaatay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha midowga musharraxiinta Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta magaalada Muqdishu kula kulmay madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland iyo Puntland.

kulanka ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo khilaafka ka taagan, sida lagu sheegay qoraal kooban oo laga soo saaray kulankaas.

“Waxaan kulan la qaatey maanta M/weynayaasha Puntland iyo Jubaland oo aan ka wada hadalnay sida xal looga gaari karo khilaafka arrimaha doorashooyinka iyo sidii Dalka uga dhici lahayd doorasho loo dhan yahay oo si nabad ah ku dhacdo” ayuu yiri Shariif Shiikh Axmed oo qoraal kooban ka soo saaray kulankaas.

Magaalada Muqdishu ayaa dhowaad waxaa ka furmi doono shir lagu dhammeystirayo heshiiskii doorashada ee 17-September.

Warar kale oo la xiriira