Warar 

Madaxweynaha Galmudug oo maanta la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Mudane Qoor-Qoor iyo James Swan ayaa ka wadda-hadlay xaaladda cakiran ee siyaasadda dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada Soomaaliya ka dhaceysa oo aan heshiis laga gaarin.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka labada dhinac diirada lagu saaray dadaalada Beesha Caalamka ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo Arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17-kii September 2020 ee Muqdisho iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo.

Madaxweyne Qoor-Qoor, oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Turkiga ayaa maanta dib ugu laabtay Muqdishu, kaddibna bilaabay shirar siyaasadeed ku aadan arrimaha doorashada.

Warar kale oo la xiriira