Warar 

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada iyo Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Malaaq Xasan Shure Maxamuud oo ahaa Guddoomiyihii Golaha Dhaqanka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Xasan Shure Maxamuud uu kaalin muhiim ah ku lahaa hoggaanka bulashada Soomaaliyeed gaar ahaan adkeynta dowladnimada, nabadda iyo dib u heshiisiinta shacabka ku dhaqan deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, marxuumka ayaa dadka iyo dalka u soo shaqeeyey xilliyadii adkaa.

“Alle ha u naxariistee Malaaq Xasan Shure Maxamuud, waxa uu ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Soomaaliyeed, isaga oo qeyb ka ahaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee doorka weyn ka soo qaatay nabadda iyo dib u heshiisiinta shacabka deegaannada koonfur Galbeed, Marxuumka ayaa muddo dheer u soo adeegayey bulshada gaar ahaan xilliyadii adkaa ee dalku uu soo maray”

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira