Warar 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqday gogosha tacsida madaxweynihii hore Cali Mahdi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday gogosha tacsida Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya marxuum Cali Mahdi Maxamed.

“Waxaan Soomaali oo dhan, qoyskii iyo eheladiisa uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh  marxuum Cali Mahdi Maxamed, Madaxweynihii hore. Waxaan Ilaahey uga baryayaa in uu qabriga u waasiciyo, aan ducada u badinno in uu ilaahey naxariistii janno geeyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo hadal kooban ka jeediyay  goobta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyay  guddiyadii Aaska Qaran, Qoyska iyo duubabka dhaqanka ee sida wanaagsan uga shaqeeyay aaska madaxweynihii hore marxuum Cali Mahdi Maxamed.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira