Warar 

Akhriso: Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo raalli-gelin siiyay wasiir Khadiija Diiriye

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame, oo maanta soo saaray qoraal kooban ayaa raali-gellin ka bixiyay qoraal uu sameeyay oo ay dhibsatay Wasiir Khadiija Diiriye kaddib markii dhowaan ay sheegtay in ay siyaaratay qabriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Siyaad Barre.

Halakn ka akhriso raalli-gelinta Shakuur:

Ugu horreeyntii ujeedkeygu ma ahayn in aan diido u ducayn qof dhintay, booqasho qabri ama aan beel Soomaliyeed wax u dhimo. Sidoo kale qasadkaygu ma ahayn in aan dhaleeceeyo walaasheey Khadiijo oo aan Reer Buulo Burte isla ahayn. Kaliya ujeedku wuxuu ahaa in aan ifiyo in aan xukun lagu raadin raalli gellin shakhsiga xilligaa Villada jooga.

Waxaa cad in Soomaalidu aysan taariikhda iyo shakhsiyaadkii soo maray heshiis ku wada ahayn.

Hadda ka hor anigoo Puntland ku sugan ayuu sawir ila galay, isla markiina uu bartiisa Facebook soo dhigay Gen Morgan. Dad badan oo danbiile u haystay ayaa igu dhaliilay, laakiin dad badan oo reer Puntland ah, Gen Morgan qadarin ayey u hayeen.

Maaddaama ay adag tahay in aragti midaysan laga yeesho shakhsiyaadka iyo sooyaalka taariikhdooda togan ama taban, oo mid ay dad badani danbiile u haystaan ay dhici karto in uu qola kale geesi agtooda ka yahay, waxaan go’aansaday inaan ka gaabsado qiimaynta shakhsiyaadka lagu kala qaybsan yahay, ilaa laga fursan waayo maahee, oo markaana aan si taxaddar leh uga hadlo anigoo xeerinaya dareenkaas kala duwan ee bulshada.

Waxaan ka raalli gelinayaa intii u fahamtay in aan duco iyo siyaaro u diidanahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamad S Barre ama u qaadatay inaan Khadiijo ama qabiil gooni ah duullaan ku ahay.

Warar kale oo la xiriira